Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iska horimaad Khasaare Dhaliyay oo ka dhacay Galguduud


Iska horimaad Khasaare Dhaliyay oo ka dhacay Galguduud
Iska horimaad Khasaare Dhaliyay oo ka dhacay Galguduud

Dagaalka wuxuu ka dhacay deegaanka Ari Caddeys ee u dhaxeeya Cabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galguduud.

Inta la ogyahay saddex ruux ayaa lagu dilay afar kalena waa lagu dhaawacay iska horimaad labo maleeshiyo beeleed shalay gelinkii dambe ku dhexmaray tuulada la yiraahdo Ari Cadeys oo u dhaxeysa degmooyinka Cabduwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galguduud.

Iska horimaadkan oo ku bilowday dil shalay gelinkii hore loogu geystay tuuladaasi nin xoolo dhaqato ah ayaa isu rogay dagaal labo dhinac ah oo ay maleeshiyaad badani ka qeybqaateen.

Saddex ka mid ah dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen ayaa la dhigay isbitaalka degmada Cabudwaaq.

Dhacdo kale, nin xoolo dhaqato ah ayaa xalay saqdii dhexe lagu dilay meel u dhaxeeysa Cabudwaaq iyo xeraale, dilkaasoo lala xiriirinayo aargoosi qabiil.

Xaaladda ayaa xilligan kacsan, inkastoo mas’uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan ururka Ahlu-Sunna oo ka degay Dhusamareeb iyo Cabudwaaq ay gaareen deegaanada colaaddu ka jirto ee dilalku ka dhaceen, si ay xaaladda u dejiyaan.

Dhowr jeer oo hore ayay dilal la xiriira aanooyin qabiil ay ka dhaceen tuulada Aricaddeys oo in badan ay ku soo noqnoqdeen isku dhacyada beelaha halkaasi wada dega.

XS
SM
MD
LG