Wararka naga soo gaaraya degaanka Baargaal ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Wasiiro ka Tirsan Dowlad Goboleedka Puntkand oo ay wehliyaan Ciidamo fara badan ay shalay goor dambe Gaareen Degaankaasi.
Wefdiga Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Kan Amniga iyo Saraakiil kale, hase Yeeshee intii aysan gaarin bargaal ayaa wararku Sheegayaan in iska hor Imaad ay kala kulmeen ciidamo taabacsan maamulka Raas-caseyr oo dhawaan degaanadaasi looga dhawaaqay.
Qasaaraha dhabta ah ee iska horimaadkaasi ka dhashay ayaan weli la xaqiiyin.
Labada dhinaca oo ay VOAda la hadashay ayaa warar isqilaafsan kala sheegtay.
Dhinaca Puntland waxeey sheegtay in koox hubeysan ay Jidka u galeen kolanyada wafdiga, 10 Ka mid ah ragii weerarka geystayna ay gacanta ku soo dhigeen
Saraakiisha Maamulka Raas Caseyr ayaa iyana sheegay ineey ka hor tageen wax ay ugu Yeereen duulaan ay Puntland ku soo qaaday Baargaal. Iska horimaadkana ay ku dhinteen ilaa Iyo 4 qof mid kalena uu ku dhaawacmay.
Wareysiyada Wasirka Amniga ee Puntland iyo madaxweeynaha Raas-caseyr halkan hoose ka dhageeyso