Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IGAD: Waa Sharci-darro Doorashada Madoobe Nuunow


Urur goboleedka IGAD ayaa canbaareeyay doorashada qaar katirsan baarlamaanka Soomaaliya ay Madoobe Nuunow ugu doorteen guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in talaabadaasi tahay mid sharci-darro ah oo ka hor-imaysa Axdiga KMG ee DKMG ku shaqeyso.

IGAD waxay xildhibaannadaasi ku tilmaamay kuwo canaasiir ah oo carqalad ku ah hannaanka nabadda Soomaaliya.

IGAD waxay sheegtay inaan la aqbali karin doorashada Madoobe Nuunow, waxayna ku boorisay dhinacyada in khilaafka si nabad ah lagu xaliyo.

IGAD waxay madaxda ugu sarrreeyey dowlada KMG uga mahadcelisay sida ay uga go'antahay fulinta heshiiskii Kampala iyo khariiddada looga baxayo xilliga kala guurka.

XS
SM
MD
LG