Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IGAD oo Shir Deg Deg ah Yeelatay


IGAD oo Shir Deg Deg ah Yeelatay
IGAD oo Shir Deg Deg ah Yeelatay

Dalalka urur-goboleedka IGAD ayaa yeeshay shir deg deg ah oo ay ka soo saareen qodobo ay ka mid yihiin kuwo Soomaaliya Quseeya.

Dalalka urur goboleedka IGAD ayaa shir aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirkaasi waxaa ka soo baxay war murtiyeed xambaarsan qodobo dhowr ah oo ay ku jiraan kuwo Soomaaliya quseeya.

Qodobada Soomaaliya quseeya ee war murtiyeedka lagu qeexay waxaa ka mid ah; In IGAD ay soo dhoweysay heshiiskii magaalada Kampala ay ku gaareen madaxda dowladda KMG ah, kaasoo lagu soo afjaray khilaafkii dhexdooda ahaa, In IGAD ay ugu baaqeyso dowladda KMG ah ay ku dhammeystirto hawlaha kala guurka ah muddada cayiman ee ay haysato, IGAD waxay soo dhoweysay ansixinta baarlamaanka uu ansixiyay ra'iisal wasaaraha cusub, in la kordhiyo taageerada caalamku uu siiyo AMISOM, in la xiro ilaha dhaqaalaha uu ka soo galo al-Shabaab, sida dekedaha iyo Airaboorada ay gacanta ku hayaan, iyo in Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay xafiisyadooda u guuraan dalka Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta Cabdikariim Xasan Jaamac ayaa VOA u sheegay in ka dowlad ahaan ay u mahadcelinayaan dowladda Jabuuti oo ballan qaaday inay ciidamo u soo diri doonto dalka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG