Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ifo: Xaaladda Qaxootiga Naafada Ah


Ifo: Xaaladda Qaxootiga Naafada Ah
Ifo: Xaaladda Qaxootiga Naafada Ah

Dad naafo ah oo tiradoodu gaarayso ilaa 3250 ruux ayaa ku nool xerada qaxootiga ee Ifo kuwaas oo dhibaatooyin kala duwani haystaan.

Dad badan oo naafo ah ayaa soo gaaraya xerada qaxootiga IFO ee dalka Kenya. Guddoomiyaha Guddiga Naafada ee xerada IFO, Cabdi M. Jimcaale ayaa sheegay in tiro dhan 3250 ruux oo naafo ahi ay ku jiraan xeradaas IFO.

Mar uu ka hadlayey sababaha ay u naafoobeen dadka xeradan ku nooli, waxa uu sheegay sababahu ay iskugu jiraan dhaawacyo dagaalada sokeeye kasoo gaaray iyo qaar cuduro caadi ah, sida cudurka Booliyadu, ay sababeen. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan ilaa shan ruux oo gacmaha iyo lugaha si isdhaaf looga gooyey oo xerada ku nool.

Dhinaca dhibaatooyinka, waxa uu guddoomiyuhu sheegay in dhibaatada xagga daryeelka caafimaadka iyo cunto xumadu ay yihiin kuwa ugu waaweyn ee ay la il daran yihiin.

XS
SM
MD
LG