MUQDISHO —
Ururka caalamiga ah ICG ee falanqeeya xasaradaha ayaa warbixin ay soo saareen oo ay kaga hadlay xaaladda Amniga Somaliya, gaar ahaan weerarada Al-shabaab iyo duulaannada ka dhanka ah ee ay gaystaan ciidamda dawladda Somaliya iyo xulufadoodu.
ICG waxay sheegtay in awooddii al-Shabaab ay wiiqantay, laakiin aanay wali baabi’in, islamarkaana ay awood u leedahay inay weeraro fuliso.
ICG waxa ay sheegtay in dhowr hoggaamiye oo miisaan culus laga dilay kooxda Al-Shabaab bilihii dhowaa, haddana taas aany wiiqin awoodda ay kooxda Al-Shabaab u leedahay inay weeraro ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Sahra Ciidle Nuur, ayaa warbixinta ICG soo koobeysa