Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW: Kenya ha Joojiso Celinta Soomaalida


HRW: Kenya ha Joojiso Celinta Soomaalida
HRW: Kenya ha Joojiso Celinta Soomaalida

Hay'adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in Kenya ay ka musaafurisay qaxooti Soomaaliyeed ee degmada Mandheera

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay maanta ugu baaqday dowladda Kenya inay joojiso musaafuriska qaxootiga Soomaalida ee ka soo cararay colaadaha, isla markaana ay la shaqeyso hay’adaha samafalka.

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch, waxay warbixintan soo saartay, ka dib markii ay ka ogaatay cabashooyin kala duwan oo ka yimid Kenya, kuwaasoo ku saabsan musaafuris qaxooti Soomaaliyeed, xirid xeryo qaxooti iyo la shaqeyn la’aan hay’adaha samafalka.

HRW waxay warbixinteeda ku sheegtay in 17-kii bishan March ay mas’uuliyiinta Kenya ku qasbeen hay’adda Laanqeyrta Cas inay joojiso u adeegidda ilaa 13,000 oo qaxooti Soomaaliyeed oo si KMG ah loo dejiyay xero qaxooti oo ku taalla deegaanka degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, Kenya.

Qaxootigaasi degganaa xeradaasi KMG ah waxay ka soo baxsadeen dagaaladii dhowaan ka dhacay degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta degmada Mandera oo horey ugu oggolaaday hay’adda Laanqeyrta Cas inay dadkaasi xero KMG ah halkaasi uga dhisto ayaa durbadiiba si lama filaan ah isu beddelay, waxayna habeen madow ku amreen hay’addaasi inay joojiso hawlaheeda samafalka, ayna albaabada u laabto xeradaasi.

XS
SM
MD
LG