5-tan nin oo lagu sheegay inay dad'doodu u dhaxeyso 25 jir ilaa 45 jir ayaa la qabtay sanadkii hore, waxaana lagu soo oogi doonaa dacwad ah inay isku dayayeen inay afduubtaan markab kuwa shixnadaha qaada oo marayay gacanka Cadmeed.
5-tan nin ayaa haddii danbigan lagu helo waxaa lagu xukumi doonaa ilaa 12 sanadood oo xadhig ah.
Hasse yeeshee, mid ka mid ah garyaqaanada difaacaya 5-tan ayaa sheegay inay ka hortagi doonaan oo isla markaana ay dacwad ka keeni doonaan sharciyada ay maxkamda Holland u leedahay inay 5-tan nin maxkamadeyso.
Maxkamadan ayaa socon doonta muddo shan cisho ah.