Budhcad badeeddan ayaa ciidamada Holland ay soo qabteen bishii April, waxaanay ka soo dul qabteen Markab laga leeyahay dalka Jarmalka oo ay Afduub ku haysteen.
Qareenada u doodaya 10kaasi budhcad badeedda ah ayaa ku doodayay in lagu maxkamadeeyo gudaha dalka Holland , hase ahaate maxkamad ku taalla magaalada Amestrdam ayaa xukuntay in dadkaasi loo wareejin karo dalka Jarmalka 10 maalmood gudahood.
Xeer ilaalilyaasha Jarmalka ayaa lagu wada in ay ku soo oogaan dhalinyaradaasi in ay ah afduubeen markabka MV Taiwan.
Dacawadani lagu soo oogayo kooxda budhcad badeedda ayaa ah mid aan inta badan ka dhicin wadamada Yurub iyada oo dalalka Yurub ay inta badan qabtaan budhcadda dabadeedna sii daayaan.