Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hogaanka al-shabaab oo is Khilaafay


Hogaanka al-shabaab oo is Khilaafay
Hogaanka al-shabaab oo is Khilaafay

Khilaafka u dhaxeeya hogaamiyeyaasha al-shabaab in muddo ah ayuu soo jiitamayay, taasoo ugu dambeyn keentay in Mukhtaar Roobow uu Maleeshiyadiisa kala baxo Muqdisho.

Kooxda xiriirka la leh ururka al-Qaacida ee al-Shabaab ayaa kala qeybsamay, ka dib markii ay is khilaafeen hogaamiyaha al-Shabaab Axmed Cabdi Godane iyo ku xigeenkiisa Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur).

Khilaafka ayaa soo jiitamayay in muddo ah, wuxuuna salka ku hayay xilalka sar sare ee al-Shabaab.

Hogaamiyaha al-Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa xilal sar sare ururka al-Shabaab uga magacaabay rag ka soo jeeda beeshiisa, jagadaasoo ka mid ah Maaliyadda. Hase yeeshee ku xigeenka ururka al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ka biyo diiday tallaabada Axmed Godane.

Roobow ayaa sidoo kale diiday in xilal sar sare looga dhiibo Jihaadiyiinta ajnabiga ah ee ka kala timid Afrika iyo Bariga Dhexe.

Khilaafka hogaamiyaha al-Shabaab iyo ku xigeenkiisa waxa uu xoogeystay ka dib markii ay Shabaab ku fashilantay dagaalkii ay bishii Ramadaan Gudeheed ku qaaday dowladda KMG ah oo ay dooneysay inay Muqdisho kaga saarto.

Khilaafka ayaa ugu dambeyntii sababay in Sheekh Mukhtaar Roobow uu Muqdisho kala baxo maleeshiyadii ka joogtay ee dagaalka ku jirtay.

Rashiid Cabdi oo ka tirsan Ururka Xasaradaha Caalamiga ee ICG ayaa sheegay in isbedelkaasi ay yididiilo gelineyso dowladda KMG ah, hase yeeshee ay deg deg tahay in guul laga sheegto al-Shabaab. Wuxuu sheegay in al-shabaab ay weli militari ahaan dhisan tahay.

XS
SM
MD
LG