Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hobyo: Ciidamo Ajanabi ah oo weeraray Dooni


Hobyo: Ciidamo Ajanabi ah oo weeraray Dooni
Hobyo: Ciidamo Ajanabi ah oo weeraray Dooni

Ugu yaraan 4 qof ayaa dhintay kaddib markii ciidamada ajanabiga ah ee ku sugan biyaha Somalia ayaa weerar ku qaadeen dooni ku sugnaynd xeebta Hobyo

Maraakiibta ajnabiga ah ee jooga xeebaha Somalia ayaa weerar ku qaaday dooni kaluumaysi ah oo ku sugnayd xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Weerarkan waxa ka qeyb qaatey sida la sheegay dayuuraddo kasoo kacay maraakiibta ajanabiga ah ee ku sugan xeebaha Somalia.

Ugu yaraan 4 qof ayaa lagu soo warramayaa inay weerarkan ku dhinteen. Ciidamada ajanabiga ah ee weerarkan geystay ayaa la kulmay iska-caabin xoog leh oo isku beddashay dagaal socda muddo kooban.

Doonidan weerarka lagu qaaday ayaa la sheegayaa inay ka mid ah ahayd doonyaha lagu weerar tago oo ay burcad-badeedda Soomaalidu u isticmaalaan afduubka maraakiibta. Jaamac Rabiile oo sheegay inuu ka mid yahay kaluumaysatada deegaanka oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in markii weerarkaasi uu dhamaaday ay doonidu ku soo caariday xeebta Hobyo. Jaamac wuxuu intaas ku daray in dhimashada iyo dhaawacuba uu soo gaaray dhinaca Soomaalida, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa haatan loo qaaday magaalada Gaalkacyo.

XS
SM
MD
LG