Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiiskii Buuhoodle oo la qaadacay


Heshiiskii Buuhoodle oo la qaadacay
Heshiiskii Buuhoodle oo la qaadacay

xukuumadda Somaliland iyo jabhadda SSC ayaa ka biyo-diiday heshiis ay wada gaareen odayaal ka kala socda Buuhoodle iyo Bariga Burco

Xukuumadda Somaliland iyo jabhadda SSC ayaa ka biyo diiday heshiis ay oday-dhaqameedyo ka kala socda degmada Buuhoodle iyo Bariga Burco ayaa dhawaan ku gaadheen deegaanka Xadhaadhane ee degmada Buuhoodle. Qodobada heshiiskaasi waxaa waxa ka mid ah; qaadista ciidamada Somaliland ee fadhiya Widhwidh iyo Bali-hadhac iyo in Odey-dhaqameedyada Buuhoodle ay soo dhaweeyeen hadalkii Madaxweyne Siilaanyo uu maalintii xilka uu la wareegay uu ku sheegay in gogol nabadeed ugu baaqayo cooladdaha ka aloosan Gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle.

C/laahi Maxamed Cukuse oo ah afhayeenka Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in qodobka qaadista ciidamadu uusan ahayn qodob ay aqbali karaan Somaliland maadaama ay arrintu tahay mid military, afhayeenku wuxuu sheegay in go'aankaasi uu u gaar yahay oo kaliya xukuumadda iyo wasaaaradda Gaashaandhigu Somaliland.

Dhinaca SSC, afhayeenka SSC, Abdirisaq Bakayle ayaa isna sheegay in gabi-ahaan heshiiska oo dhan ay kasoo horjeedaan, wuxuuna sheegay in jabhadiisu doonayso in Gobolka Sool ciidamada Somaliland ee joogaa ay gabi ahaan ka baxaan.

XS
SM
MD
LG