Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiiska Ethiopia iyo Garab ONLF ah


Guddoomiye Cabdifataax
Guddoomiye Cabdifataax

Cabdifataah Sheekh, Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga ee Somalida Ethiopia ayaa sheegay in heshiisku faa'iido u yahay Somalida Ethiopia

Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga ee Somalida Ethiopia Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi ayaa rajo weyn ka muujiyay inuu hirgali doono heshiiska dhawaan ay gaareen dowladda Ethiopia iyo jabhaddaha Soomaalida ee ka soo horjeeda.

Cabdifataax oo safar ku maraya dalkan Maraykanka ayaa sheegay in dowladda Ethiopia iyo maamulka dowlad-deegaameedka Soomaalida Ethiopia ay diyaar u yihiin inay gacan nabadeed u fidiyaan kooxaha ka biyo-diidsan heshiiska isla markaana dhamaan colaadda gobolka lagu soo afjaro si nabad-gelyo ah.

Cabdifataax wuxuu sheegay in kulamo ay la yeesheen jaaliyaddaha qurbo-joogta ah ee ka soo jeeda gobolka ay u sheegeen in maamulka dowlad-deegaameedka Somalida ee Ethiopia ay ka go'an tahay inay si nabad gelyo ah ku dhameeyaan colaadaha gobolka ka jira.

Wareysiga guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga ee Soomaalida Ethiopia hoosta ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG