Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hay'adda HRW oo Ciidanka Kenya Eedeysay


Hay'adda HRW oo Ciidanka Kenya Eedeysay
Hay'adda HRW oo Ciidanka Kenya Eedeysay

Hay’adda Human Rights Watch (HRW) ayaa sheegtay in ciidamada Kenya ay garaacid iyo xarig aan loo meel dayin ka sameeyaan meelaha u dhow xadka dalkaasi la wadaago Somalia.

HRW ayaa warbixintan soo saartay Khamiistii maanta, maalin ka dib markii ciidanka amnigu ay hareereeyeen, isla markaana garaaceen dad ku nool magaalada Garissa.

Warbixinta ayaa sharxaysa xadgudubyo is-xigxiga oo ka dhan ah dadka Soomaalida ah. Dhacdooyinka ayaa yimid ka markii ciidanka Kenya ay galeen Somalia bishii October, si ay ula dagaalamaan ururka Alshabab, oo dawladda Kenya ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen afduubyo dhowr ah oo ka dhacay xadka labada dal.

HRW ayaa sheegtay in hagardaamooyinka ugu xumi ay ka dhacaan xerada qaxootiga ee Dhadaab, kaasoo hoy u ah in ka badan 400,000 oo qaxooti Soomaali ah. Hay’adda ayaa sheegtay in booliisku kaga jawaabay weeerarka isaga lagu hayo in bishii December uu garaacay dad qaxooti ah, isla markaana uu dad iska xirxiray, dumarkiina fara-xumeeyey.

Warbixinta ayaa sheegtay in militariga Kenya uu ballan qaaday inuu baarayo hadalada hay’adda HRW.

XS
SM
MD
LG