Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweenka iyo Qoyska: Maxay xildhibaan Sareedo Cabdalla ka tiri kaalinta ay haweenku kaga jiraan siyaasadda iyo kootada ka maqan? 


Xildhibaan Sareedo Cabdalla
Xildhibaan Sareedo Cabdalla

Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Xildhibaan Sareedo Mad-keer Cabdalla oo mid ah xildhibaannada ugu muddada dheer Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ay ku jirtaa baarlamaanka muddo ku dhow 20 sano.

Markii ugu horreysay ee ay kusoo biirtay saaxada siyaasadda waxa ay ahayd sanadkii 2004-ti,i iyadoo ka mid ahady xildhibaanadii federaalka ee lagu soo doortay degaanka Mbagathi ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


Sareedo waxa ay Barnaamijka uga sheekeyneysaa waxa uga kordhay muddadii ay xilkan haysay, sida ay u aragto kaalinta ay haweenku kaga jiraan siyaasadda dalka, sababaha ugu wacan in dumarka aanay wali helin kootadii 30% ahayd ee siyaasadda dalka, waxa looga baahan yahay inay dumarka sameeyaan si ay u kordhiyaan ka qaybgalkooda siyaasadda, iyo arrimo kale.


Dhageyso Barnaamijka oo ay diyaarisay Caasho Ibrahim Aden (Caashocuud).

Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:33 0:00
XS
SM
MD
LG