Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hooyo ku umushay Geed hoostiis


Hooyo ku umushay Geed hoostiis
Hooyo ku umushay Geed hoostiis

Waliya oo ka mid qoysaska ka cararaya abaaraha koonfurta Somalia ayaa saaka aroortii ku umushay geed hoostiis oo ku yaala Libooyo, Kenya

Haweenay lagu magacaabo Waliyo Cismaan Xaaji oo ka mid qoysaska ka cararaya abaaraha gobollada koonfurta Somalia ayaa saaka aroortii ku umushay geed hoostiis oo ku yaala Libooyo, Kenya.

Waliyo Cismaan ayaa VOA u sheegtay inay muddo labaatan cisho ah iyada iyo qosykeeduba soo lugeynayeen, iyagoo ka soo cararey abaaraha ka jira degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Haweenaydan waxay umushay gabar ay u bixisay Iisho, waxayna sheegtay in aysan haatan haysan waxay cunto, iyadoo qoyskeeduna uu yahay mid aad taagdaran.

Wareysiga Waliyo Cismaan qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG