Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Nin Jarmal ah oo la Xukumay


Hargeysa: Nin Jarmal ah oo la Xukumay
Hargeysa: Nin Jarmal ah oo la Xukumay

Ninka Jarmalka ah waxaa lagu eedeeyay inuu ku kacay falal ka soo horjeeda dhaqanka Soomaalida.

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun xarig iyo ganaax isugu jira ku ridday nin u dhashay dalka Jarmalka ka dib markii ay ku caddaatay eedeeymo anshax xumo ah oo loo haystay, sidaasoo ay xeer ilaalintu ka sheegtay maxkamadda horteeda.

Gunter Pischof ayay maxkamaddu ku ridday afar sano oo xarig ah iyo inuu bixiyo $10,000 oo ganaax ah.

Maxkamadda ayaa amartay in marka uu ninkaasi dhammeysto muddada xariggiisa laga musaafuriyo dalka, dib dambena uusan u iman karin.

Maxkamadda gobolka Hargeysa waxay sidoo kale gabar Somali ah ku xukuntay hal sano oo xarig ah iyo inay bixiso ganaax lacageed oo gaaraya 5 milyan oo shilinka Somaliland.

Gabadhaasi ayaa lagu eedeeyay in ay sawiro la gashay ninka Jarmalka ah ee la xukumay.

Halkan ka dhageyso warka ku saabsan maxkamadeynta.

Halkan ka dhageyso warbixin ka hadlaysa ninka Jarmalka iyo goorta uu Somaliland tagay.

XS
SM
MD
LG