Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Lixda nin ee Ruushka ah oo la Xukumay


Hargeysa: Lixda nin ee Ruushka ah oo la Xukumay
Hargeysa: Lixda nin ee Ruushka ah oo la Xukumay

Maxkamadda Hargeysa ayaa min hal sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed ku xukuntay shaqaalaha iyo diyaaradda haatan lagu hayo Hargeysa.

Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa maanta xukun ku ridday diyaaradda lagu hayo Hargeysa iyo waliba lix nin oo Ruush ah oo ahaa shaqaalihii waday diyaaradaasi.

Maxkamadda ayaa lixdan nin ku xukuntay min sanad xadhig ah oo ay iibsan karaan iyo 3 Malyuun oo lacagta shilin Soomaaliga ah oo u dhiganta $500 dollar. Diyaaradda oo nooceedu yahay Antanoof 32 ayaa lagu xukumay 23 Million oo shilinka Somaliland ah una dhiganta lacag gaadhaysa $4000 oo dollarka.

Maxkamaddu waxay sidoo kale xukuntay in xukuumadda Somaliland ay la wareegto dhamaan alaabooyinka Militari ee saaran. Maxkamadda Hargeysa waxay sidoo kale soo saartay go'aan ay Somaliland uga mamnuucayso inay dalka yimaaddaan shirkadaha Sarecen Internation, Puntland Development Group iyo shirkad Australian ah oo xidhiidh la leh.

Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay inay diyaaraddan iyo shaqaalaha la socdayba ay ku caddaatay inay ku soo xadgudbeen hawada dalka isla markaana ay alaabooyin milateri u sideen cid ka soo horjeedda Somaliland.

Diyaaraddan oo ka soo duushay dalka Koonfur Afrika isla markaana u socotay maamul goboleedka Puntand ayaa lagu xannibay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeisa 10 bisha December ka dib markii ay xukuumadda somaliland sheegtay inay ka war-heshay inay siddo alaabooyin milateri,.

Laba nin oo suxufiyiin ahaa oo diyaaraddan rakaab ahaan ula socday ayaa hore loo sii daayay.

XS
SM
MD
LG