Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Dabaal-Degga Somaliland


Hargeysa: Dabaal-Degga Somaliland
Hargeysa: Dabaal-Degga Somaliland

Somaliland ayaa maanta u dabaal degtay 20 sano guuradii ka soo wareegatay maalintii ay ku dhowaaqday gooni isu taaggeeda.

Somaliland ayaa maanta u dabaal degtay 20 sano guuradii ka soo wareegatay maalintii ay ku dhowaaqday gooni isutaaggeeda.
Dabaal degyada ayaa bilowday shalay gelinkii dambe, kuwaasoo ilaa maanta ka dhacayay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, oo Hargeysa ay ka mid tahay.

Magaalada Hargeysa waxaa waddooyinkeeda damaashaad iyo dabaaldeg ku sameynayay bulshada oo watay calanka Soomaaliland.

Fagaaraha ka soo horjeeda xarunta madaxtooyada waxaa gaardis ku maray ciidamada kala duwan ee Soomaaliland, arday iyo qeybaha bulshada oo astaamo lulayay.

Waxaa fagaaraha horteeda ku sugnaa mas’uuliyiinta Soomaaliland oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Axmed Siilaanyo, ku xigeenkiisa iyo marti sharaf dibadda ka timid ee ka soo qeybgashay dabaal deggaasi.

Ka dib markii madaxdu ay halkaasi ku guddoomeen salaanta ciidanka ayay u gudbeen Fagaaraha Xorriyadda, halkaasoo ay kula hadleen bulshada.

Somaliland waxay hirgelisay nabadgelyo iyo hannaan dimoqraadiyadeed oo doorasho, taasoo bulshada caalamku ay si weyn u ammaantay.

Somaliland ayaa ku dhowaaqday inay gooni uga go’day Soomaaliya inteeda kale Sanadkii 1991-kii, ka dib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre. Hase yeeshee weli ma ay helin aqoonsi caalami ah.

Madaxda Somaliland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalkooda aqoonsi raadiska ah.

XS
SM
MD
LG