Weeraryahanka Manchester City Erling Haaland ayaa Talaadadii loo magacaabay ciyaaryahanka sannadka ee Ururka Xirfadlayaasha Kubadda Cagta (PFA).
23-sano jirkaan ayaa ka guuleystay saaxiibadiisa kooxda ee Kevin de Bruyne iyo John Stones, si la mid ah Martin Odegaard oo ka tirsan Arsenal, Bukayo Saka iyo ciyaaryahankii hore ee Tottenham Harry Kane oo hadda ka tirsan Bayern Munich.
Qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Haaland ayaa u horseeday inuu dhaliyo 52 gool 53 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkii hore, isaga oo ka qayb qaatay guushii saddexda koob ee City markii ay ku guuleysteen Premier League, FA Cup, iyo koobabka Champions League.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway ayaa sidoo kale helay bishii May la guddoonsiiyay abaalmarinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa Premier League ee xilli ciyaareedka iyo ciyaaryahanka sannadka ee ururka qorayaasha kubada cagta.
Reuters.
Madal