Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gutteres oo Booqday Xeryaha Doolow


Gutteres oo Booqday Xeryaha Doolow
Gutteres oo Booqday Xeryaha Doolow

Madaxa hay'adda UNHCR Antonio Guterres ayaa booqday barakacayaal Soomaali ah oo ku sugan xeryo ku yaalla degmada Doolow.

Madaxa hay'adda UNHCR Antonio Guterres ayaa booqday barakacayaal Soomaali ah oo ku sugan xeryo ku yaalla degmada Doolow.

UNHCR waxay warsaxaafadeed soo saartay saacadihii dambe ee salaasadii shalay, ka dib markii uu madaxa hay’addaasi Antonio Guterres uu booqasho ku tegay magaalada Somalia.

War saxaafadeedka UNHCR waxaa lagu sheegay in hay’addu ay caawineyso ilaa 850,000 oo qaxooti Soomaali ah oo ku soo qaxay dalalka deriska la ah Soomaaliya, iyadoo intaasi ay dheer tahay 1,500 qof ay maalin walba ka soo qaxayaan Soomaaliya.

Mr. Gutteres waxa uu sheegay in u jeedadu aysan noqonin in dadku ay soo cidleeyaan Soomaaliya, laakiin ay noqotaa in gargaarka lagu bixiyo gudaha dalka.

Madaxa UNHCR waxa uu baaqani ka jeediyay degmada Doolow ee ku dhow xuduudda Itoobiya, halkaasoo uu booqday maalintii shalay ahayd.

XS
SM
MD
LG