Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gudoomiye Saleeban oo eedeeyay ku-xigeenkiisa


Gudoomiye Saleeban
Gudoomiye Saleeban

Saleeban Maxamud Adan ayaa qilaafka iyo qeybsanaanta gollaha guurtida ku eedeeyen ku-simaha ahna gudoomiye-kuxigeenka gollahaasi

Gudoomiyaha Gollaha Guurtida ee Somaliland Suleyman Maxamuud Adan, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qilaafka iyo kala qeybsanaanta soo kala dhexgashay gollaha guurtida.

Saleeban Maxamuud oo ku sugan magaalada London ayaa qilaafka iyo qalalaasaha soo wajahay gollaha guurtida ku eedeeyey kusimaha gudoomiyaha ahna gudoomiye-ku-xigeenkiisa koowaad Sheekh Axmed Nuux Furre oo uu sheegay inuu bilaabay badallaada guddiyada gollaha, taasoo uu ku tilmaamay inaanu sharci ahayn awoodna aanu u lahayn gudoomiye-ku-xigeenka.

Gudoomiyaha Guurtidu, wuxuu qilaafkaasi ku tilmaamay mid aan loo baahnayn xilligan oo uu xusay in Somaliland ay u diyaargaroobayso doorashooyin in la qabto.

Saleebaan Maxamuud, wuxuu madaxwayne Rayaale ugu baaqay inuu kala dhex galo labada dhinac ee ay u qaybsameen golahii guurtida ee Somaliland oo uu sheeggay inuu khilaafkani golahaasi burburin karo.

Saleebaan, wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo dhex-dhexaadinta uu ku baaqay gudoomiyaha gollaha wakiilada oo isagu sheegay inuu labada dhinac u kala dab-qaadayo.

Wareysiga Gudoomiyaha gollaha guurtida midigta sare ee boggan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG