Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddiga doorashada FEIT oo soo saaray liiska xildhibaannada Labada Aqal


Guddiga FEIT iyo xogheynta Baarlamaanka
Guddiga FEIT iyo xogheynta Baarlamaanka

Guddiga Hirgelinta Doorashada ee heer Federal ee Soomaaliya ayaa shaaciyey liiska xubnaha labada aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo ka kooban 245 xubnood oo ka tirsan golaha shacabka iyo 54-ta mudane ee Aqalka Sare.

Bayaan ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federal oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddidaas Muuse Geelle Yuusuf ayaa lagu sheegay in diiwaangelinta xildhibaannada cusubi ay bilaabanayso Jimcaha oo ku beegan April 02, 2022, waxayna ku baaqeen in la soo dhamaystiro kuraasta harsan.

War qoraal ah oo lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaare Rooble uu soo dhoweynayo tallaabada ay guddiga doorashadu ku shaaciyeen natiijada xildhibaanada dooran, isagoo ku boorriyey in la dardargeliyo jadwalka dhaarinta ee ay tahay inuu dhammaado April 14-keeda.

Ilaa hadda waxaa dooran ilaa 249 mudane oo ka mida 275-ka xildhibaan ee golaha shacabka.

XS
SM
MD
LG