Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golayaasha Somaliland oo Muddada loo Kordhiyay


Golayaasha Somaliland oo Muddada loo Kordhiyay
Golayaasha Somaliland oo Muddada loo Kordhiyay

Golaha Guurtida Somaliland ayaa tallaabadan ku macneeyay mid wakhti la siinayo u diyaargarowga doorashada golayaasha.

Golaha Guurtida ee Soomaaliland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in muddo kordhin loo sameeyo golayaasha wakiilada, guuritda iyo deegaanka Soomaaliland.

Sheekh Axmed Shiikh Nuur Furre, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Guurtida Soomaaliand oo guddoominayay shirkii go’aankaasi lagu gaaray ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qiimeeyo muddada suurtagalka ah in la qaban karo doorashada.

Waxaa la soo jeediyay in golayaasha deegaanka doorashadooda lagu qabto hal sano iyo bar gudohood, Golaha wakiiladana loo kordhiyay labo sano iyo 8 biilood, oo ku eg 30-ka June ee 2013-ka, Golaha Guurtida ayaa sanad ka dambeyn doona muddada loo kordhiyay golaha wakiillada.

Markaas ka dib cod ay golaha guurtidu iska qaadeen ayay waxaa lagu ansixiyay tallaabada muddo kordhinta.

XS
SM
MD
LG