Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland:Maxakmadda Sare oo ku Dhawaaqaysa Natiijada


Somaliland:Maxakmadda Sare oo ku Dhawaaqaysa Natiijada
Somaliland:Maxakmadda Sare oo ku Dhawaaqaysa Natiijada

Maxakamadda Sare ee Somaliland ayaa la filaya in ay maanta si rasmi ah ugu dhawaaqdu Natiijadii Doorashada.

Sida uu sharcigu dhigayo maxkamadda sare ayaa si sharci ah ugu dhawaaqi doonta maanta oo Axad ah natiijada doorashadii Somaliland .

Guddida doorashooyinka oo u xilsaarnaa qaban qaabada iyo tirinta codadadka doorashada ayaa 1dii bishan natiijadii hordhacca ahayd ku dhawaaqday.

Dhamaan axsaabtii ka qayb gashay doorashada ayaa ogolaaday Natiijada doorashada ee hordhaca ahayd , iyada oo uu ku guulaystay xisbiga Kulmiye.

Gees kale guddidii uu Madaxweynaha la doortay Axmed Siilanyo u xilsaaray in ay ka soo tala bixiyaan qaabka ay noqonayso dawladda cusub ayaa taladoodi u gudbiyay madaxweynaha.

Guddida ayaa ku talisay in la soo dhiso xukuumad ka kooban 15 Wasiir oo kaliya, iyaga oo ku taliayay inaan la soo magacaabin Wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru-dawlayaal.

Sidoo kale qorshayaasha ay soo bandhigeen Guddiga tala bixintu ayaa dhigaya in dhamaan Wasaaradaha iyo xafiisyada dawladdu ay shaqeeyaan 7da Subaxnimo ilaa2da duhurnimo lixida bilood ee u horaysa, iyada oo labada galin ay shaqayn doonaan mudada intaasi ka dambaysa.

Guddida ayaa sidoo kale qorshaha ay soo bandhigeen ku xusay in hay'adaha dastuuriga ah sidooda loo daayo.

XS
SM
MD
LG