Ghana iyo Serbia oo kuwada jira Group D oo wada ciyaaray caawa ayaa ciyaartoodii ku soo gabagabowday 1-0 oo ay ku badisay Ghana.
Goolka badiska waxaa xulka Ghana u dhaliyay cayaaryahankooda Asamoah Gyan oo shabaqa ku hubsaday kubad rigoore ahayd oo uu u laaday kooxdiisa daqiiqadii 85-aad. Ghana ayaa rigoorahaasi ku heshay ka dib markii ciyaaryahanka Serbia Zdravko Kuzmanovic uu kubbada gacanta ku taabtay.
Ciyaarta dhexmartay labada kooxood waxay ahayd weerar iyo weerar celis, inkastoo ay hogaanka u haysay kooxda Ghana.
Daqiiqadii 74-aad waxaa kaarka cas la siiyay ciyaaryahanka reer Serbia ee Aleksandar Lukovic ka dib markii uu labo jeer qalad sameeyay.
Kooxda Ghana ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee African ah ee guul ka soo hoysa koobka adduunka, waxayna 1-0 uga badisay Serbia