Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Germany oo 4-1 England Kaga Adkaatay


Waddamada, Uruguay, Ghana, iyo Germany ayaa u gudbay wareegga 8aad.

Waddamada, Uruguay, Ghana, iyo Germany ayaa u gudbay wareegga 8aad ka dib markii ay ka kala adkaadeen waddamada Kuuriyadda Koonfureed, USA, iyo England sida ay u kala horeeyaan.

Waddanka Uruguay oo isagu labo mar ku guuleystay koobka adduunka ayaa shalay ciyaar adag oo ay soo bandhigeen ugu gudbay wareegga 8aad markii ay waddanka Kuuriyada Koonfureed kaga adkaadeen 2-1. Inkasta oo laga adkaaday, Kuuriya koox fudud ma aysan aheyn.

Waddanka Ghana ayaa si gaar ah loo eegayey maaddaama uu ahaa qaranka Afrikaanka ah ee kaliya ee ku haray ciyaaraha Koobka Adduunka. Ciyaartaas ay USA la ciyaareen waxay ku dhamaatay 2-1 oo ay Ghana ku adkaatay, guushan oo ah isla guushii ay Ghana Maraykanka ku reebtay sanadkii 2006dii markii Koobka Adduunka Germany lagu qabtay. Ghana waxa ay Jimcaha 2da July la ciyaari doontaa waddanka Uruguay halka ciyaaryanno fure u ahaa kooxda Ghana ay ka maqnaan doonaan ka dib markii warqadaha jaalaha ah laba mar la siiyey.

Ciyaartii maanta England iyo Germany dhexmartay ayaa iyaduna xiiso gaar ah lahayd marka la eego xifaaltanka kubbadeed ee labada waddan u dhexeeya. Waddanka Germany ayaa la dhihi karaa waa uu u xoog sheegtay waddanka England ka dib markii 4-1 uu kaga adkaaday. Waxaa xusid mudan in England ay dhalisay gool garsoorihii iyo calanyahankiiba ay arki waayeen in khadka goolka ay dhaaftay.

Waddanka Germany waxa uu la ciyaari doonaa kii soo badiya waddamada Argentine iyo Mexico oo galinka dambe ee maanta wada ciyaari doona.

XS
SM
MD
LG