Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Geneva: Shirkii Xuquuqda Aadamaha ee Somalia oo dhamaaday


Geneva: Shirkii Xuquuqda Aadamaha ee Somalia oo dhamaaday
Geneva: Shirkii Xuquuqda Aadamaha ee Somalia oo dhamaaday

Kulankaasi looga hadlayay xuquuqda Aadamaha ee ka dhacay magaalada Geneva looga hadlay ka qeybgalay ilaa 150 dal.

Waxaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland lagu soo gabagabeeyay kulan ballaaran oo ku saabsanaa xuquuqda aadamaha ee dalka Soomaaliya. Kulankaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay wufuud ka kala socotay ilaa 150 dal.

Ra'iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowladda KMG Prof. Cabdirahmaan Ibbi ayaa sheegay xaaladda xuquuqda aadamaha ee Soomaaliya aad diiradda loo saaray.

Wuxuu sheegay in bayaankii laga soo saaray ay dowladda Soomaaliya ay saxiixday sidii door fiican ay uga qaadan lahayd wax ka qabashada dadka dambiyada xuquuqda aadamaha ka geysanaya Soomaaliya xitaa haddii ay xubno ka yihiin dowladda KMG ah.

XS
SM
MD
LG