Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gen. Maslax oo Xisbi siyaasadeed ku dhawaaqay


General Maslax Maxed Siyaad
General Maslax Maxed Siyaad

General Maslax Max'ed Siyaad ayaa Nairobi uga dhawaaqay xisbi cusub oo siysaasadeed oo loogu magacdaray xisbiga Dimoqraadiga Somalia DPS

General Maslax ayaa xisbigan uga dhawaaqay xaflad ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wareysi uu VOA siiyay ayuu Maslax Max'ed Siyaad wuxuu ku sheegay in xisbigan uu ka shaqeyn doono sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dadka Soomaaliyeed. General Maslax wuxuu sheegay in xisbigan uusan ahayn hal qabiil, hadafkiisuna wuxuu noqon doono sidii loo samayn lahaa wadahadal dhexmara dadka Soomaaliya.

General Maslax oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ayaa sidoo kale horey u soo noqday taliyihii ciidankii xoogga dalka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG