Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garowe: Dhismaha Xabsiyada Burcadbadeedda


Garowe: Dhismaha Xabsiyada Burcadbadeedda
Garowe: Dhismaha Xabsiyada Burcadbadeedda

Puntland waxaa ka socota mashaariic lagu dhisayo xabsiyo lagu xiro burcadbadeedda, iyo maxkamadihii la saari lahaa.

Waxaa Puntland ka socda mashariic lagu doonayo in lagu dhiso xabsiyo iyo maxkamado wax lagaga qabanayo maxaabiista burcadbadeedda ah ee ku xiran dalalka dibadda.

Waxaa haatan socdaal ku jooga Puntland wafdi ka socda dalka Denmar, kuwaasoo booqan doona magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Agaasimaha Guud ee la dagaalanka burcadbadeedda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir ayaa sheegay in ujeedada socdaalka wafdigan ay tahay inay u kuur galaan lacagaha ku baxaya mashaariicda xabsiyada iyo maxkamadaha oo ay Denmark wax ka bixisay iyo sidii ay heli lahaayeen hab ay ku bixiyaan lacago dheeraad ah.

XS
SM
MD
LG