Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garowe: Aidska oo laga Dooday.


Garowe: Aidska oo laga Dooday.
Garowe: Aidska oo laga Dooday.

Intii uu socday dood cilimiyeedka waxaa la tilmaamay in takoorka dadka qaba cudurkaasi ay ugu weyntay faafitaanka.

Dood cilmiyeed looga hadlayo halista cudurka HIV/Aids ayaa maanta ka furmay xarunta ururka maxaliga ah ee Zamda ee magaalada Garowe.

Waxaana intii uu socday dood cilimiyeedka ka dhex muuqatay arrinta ku aadan takoorka amma gooni u soocidda dadka qaba cudurka Aids-ka.

Waxaana la sheegay in arrintaasi ay tahay tan ugu weyn ee keentay inuu fido cudurka.

Dr. Dahir Lilan oo ah madaxa qeybta caafimaadka ee WHO u qaabilsan Puntland ayaa sheegay in tiro koobkii ugu dambeeyay ee dadka qaba cudurkaasi HIV/Adis gobollada Puntland ay tahay 0.5%.

Madaxa ururka Maxaliga ee Zamda Ardo Siciid Gacmey oo goobta dood cilimiyeedku ka socday ka hadashay ayaa sheegtay in haweenku ay siyaabo badan ugu nugul yihiin qaadista cudurka Aids-ka.


XS
SM
MD
LG