Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gargaarka WFP ee Soomaaliya


Gargaarka WFP ee Soomaaliya
Gargaarka WFP ee Soomaaliya

Hay'adda WFP ayaa sheegtay inay gargaar gaarsiiyaan ilaa 300,000 oo qof bishiiba gudaha Soomaaliya, Muqdishana 92,000 oo qof.

Hay'adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay inay dooneyso gargaar inay gaarsiiso ilaa 300,000 oo qof oo ku sugan magaalada Muqdisho oo aad u tabaaleysan, iyadoona hay'addaasu ay cunto nafaqa leh ay siisay ilaa iyo 18,000 oo caruur ah. WFP waxay inay rajeynayaan in todobaadyada soo socda ay tiradaasi kor u kacdo oo ay gaarto 25,000 oo caruur ah.

Susannah Nicole oo xiriirka bulshada u qaabilsan WFP waxay sheegtay in guud ahaan Soomaaliya ay gargaar gaarsiiyaan 1.5 milyan oo ruux. Waxay intaa raacisay in ay rajeynayaan inay cunto gaarsiiyaan dad kale oo tiradoodu ay gaareyso 2.2 milyan oo ruux, sidaasi darteed ay dalbanayaan inay helaan waddo ay u marsiiyaan gargaarka.

XS
SM
MD
LG