Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Shacab ah oo lagu dilay Gaalkacayo


Dad Shacab ah oo lagu dilay Gaalkacayo
Dad Shacab ah oo lagu dilay Gaalkacayo

Rasaas ay furtay koox dabley ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan4 qof, 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen, koonfurta magaalada Gaalkacayo.

Ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay koonfurta magaalada Gaalkacayo, 15 kalena waa lagu dhaawacay, ka dib markii rag hubeysan sida la sheegay oo watay gaari ay rasaas ku fureen dad rayid ah.

Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug Cabdisamad Nuur Guuleed ayaa VOA u sheegay in dhacdadaasi ay daba socoto aano qabiil, uuna aad uga xun yahay.

Dilkan maanta ka dhacay magaalada Gaalkacayo waxa uu daba socdaa dil shalay ka dhacay deegaanka Balibusle, ka dib markii la rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen dad rayid ah, kaasoo ay ku dhinteen ku dhowaad 10 ruux.

XS
SM
MD
LG