Saraakiisha Soomaalida iyo hay’adaha samafalka ayaa ka digaya in duufaan xooggan ay ku dhifan doonto gobolka Bariga Afrika saddexda bilood ee soo socota. Saraakiil ka tirsan Hay’adda FAO oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Roobab xad dhaaf ah ay ka da’ayaan Bariga Afrika, Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasi oo la filayo inay ka dhashaan fatahaado.
Cimilada El Nino ee la saadaaliyay iyo curashada xilli-roobaadka Deyrta ayaa la filayaa inay saameeyaan ilaa 1.2 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya oo keliya.
Dalka Soomaaliya ayaa looga digay bulshada ku dhaqan deegaannada ay maraan labada webi ee Jubba iyo Shabeelle in ay ka taxadaraan oo ay u guuraan dhul sare.
Barnaamijka Galka Baarista ee toddobaadkan oo ku saabsan digniinta duufaantan waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Haaruun Macruuf.
Madal