Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gal-Mudug oo Cabaareysay Tarxiilka Boosaaso


Gal-Mudug oo Cabaareysay Tarxiilka Boosaaso
Gal-Mudug oo Cabaareysay Tarxiilka Boosaaso

Maamulka Gal-Mudug ayaa cambaareyn u soo jeediyay boqolaalka Soomaalida ah ee laga soo tarxiilay Boosaaso ee la keenay Gaalkacayo.

Maamulka goboleedka Gal-Mudug ee Soomaaliya ayaa go’aano ka soo saaray dadkii laga soo tarxiilay magaalada Boosaaso ee la geeyay magaalada Galkacayo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee maamulka Gal-Mudug Axmed Maxamuud Xasan ayaa VOA u sheegay in maanta ay shir deg deg ah isugu yimaadeen magaalada Gaalkacayo oo ay kaga wadahadleen sidii looga jawaabi lahaa boqolaalka Soomaaliyeed ee laga soo tarxiilay magaalada Boosaaso ee la geeyay magaalada Gaalkacayo.

Wasiir-kuxigeenku wuxuu sheegay go’aamada ay soo saareen inay ka mid yihiin:
• In marka hore loo gurmado dadka la soo masaafuriyay
• In la dejiyo meelo ay kaga gabadaan qorraxda iyo roobka
• In loo sameeyo Kaamam lagu quudiyo
• In bulshada loo dhex galo si gurmadka ay uga qeyb qaataan
• In hay’adaha samafalka ay iyaguna qeyb ka qaataan sidii wax loogu qaban lahaa dadka laga soo tarxiilay magaalada Boosaaso

Wasiir kuxigeenku wuxuu sheegay in sidoo kale ay cambaareyn u jeediyeen tarxiilka iyo xirxirida uu maamulka Puntland ku sameeyay dadka ka soo jeeda gobollada Koonfurta Soomaaliya ee ay ku daadiyeen xadka u dhaxeeya maamulka Gal-Mudug.

Wasiir-kuxigeenka warfaafinta ee Gal-Mudug wuxuu sheegay in ay wareysteen inta badan dadkii laga soo tarxiilay magaalada Boosaaso ayna ula muuqdeen dad ganacsato ah iyo kuwo xoogsato ah oo aan tabar u haynin inay ka qeyb qaataan colaada, ayna aad uga xun yihiin in muwaadiniin Soomaali ah ay tarxiil kala kulmaan gobol Soomaaliya ka tirsan.

Wareysiga Wasiir-kuxigeenka qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG