Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Furista Xerada Ifo II oo la soo Dhoweeyay


Furista Xerada Ifo II oo la soo Dhoweeyay
Furista Xerada Ifo II oo la soo Dhoweeyay

Hay'adaha samafalka ayaa soo dhoweeyay furitaanka xerada cusub ee Ifo II ee laga furayo Dhadhaab.

Hay'adaha samafalka ayaa soo dhoweeyay oggolaanshaha dowladda Kenya, in la furo xerada cusub ee Ifo II, si loo dejiyo qaxootiga Soomaaliya ka imanaya.

Ra'iisal wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga, ayaa shalay ku dhowaaqay in xerada Ifo II ay furan tahay, si loo dejiyo qaxootiga Soomaaliya ka imanaya.

Afhayeen u hadlay hay'adda Oxfam ayaa sheegay in hay'adaha samafalku ay diyaar u yihiin inay si dhaqso leh uga hawlgalaan xeradaasi cusub.

XS
SM
MD
LG