Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Finland: Soomaalida Magangelyo Doonka ah


Finland: Soomaalida Magangelyo Doonka ah
Finland: Soomaalida Magangelyo Doonka ah

Dowladda Finland waxay sheegtay inay aad u korodhay tirada Soomaalida dalbaneysa in qoysaskooda looga soo qaado Soomaaliya.

Dowladda Finland ayaa sheegtay in tirada Soomaalida dalbaneysa in loo soo qaado qoysaskooda Afrika ku sugan ay aad u korodhay sanadkan.

Waxaana la qiyaasayaa in inka badan saddex jibbaar ay ka sara marto tirada ay dowladda Finland awoodi karto inay sanadkiiba bixiso sharciga soo gelitaanka.

Mustafe Sheekh Aadan Amiin oo ah wariye madaxbannaan oo ku sugan magaalada Helsinki oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in tiro kororkaasi ay ugu wacan tahay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ee ka sii daraya.

Soo galowga sida sharciga ku yimaada ee dalkaasi Finland, waxay dowladdu siisaa kaalmo bani'aadamnimo oo wax badan ka tarta noloshooda.

XS
SM
MD
LG