Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Finland: Ma Qaabili Doonno Soomaali Kale


Sweden, Denmark, Finland
Sweden, Denmark, Finland

Dawladda Finland ayaa u sheegtay laanta afka Soomaaliga ee VOA in ay si KMG ah ay u hakkisay codsiyada dadka magang alyo doonka ah ee ka imanaya dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq.

Dawladda Finland ayaa u sheegtay laanta afka Soomaaliga ee VOA in ay si KMG ah ay u hakkisay codsiyada dadka magang alyo doonka ah ee ka imanaya dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq.

Madaxa waaxda socdaalka ee dalka Finland, Ms Jaana Vuorio oo ku sugan magaalada Helsinki ee caasimadda Finland, oo wareysi siisay VOA-da, ayaa sheegtay in sababta ay go’aanka u qaateen ay tahay inay aad u kordheen tirada dadka magan-galyo doonka ah ee imanaya dalkaas.

Waxaa sidoo kale suurta gal ah in go’aankan cusub uu keeno in qaxooti badan oo Soomaali ah oo iminka ku sugan dalka Finland balse aan degenaanshaha loo ogolaan dib loogu celiyo dalkooda.

Finland waxa ay sidoo kale ku doodeysa in xaaladda nabadeed ee dalka Somalia ay soo wanagaasaneeneyso iminka.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa arrimahan ka waraystay madaxa waaxda socdaalka ee dalka Finland, Ms Jaana Vuorio oo ku sugan magaalada Helsinki ee caasimadda Finland, wuxuuna kasoo diray warbixintan.

Warbixin: Finland
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:06 0:00

XS
SM
MD
LG