Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fikraddo ku aadan khilaafka madaxda DKMG


Fikraddo ku aadan khilaafka madaxda DKMG
Fikraddo ku aadan khilaafka madaxda DKMG

Qaar ka tirsan Siyaasiinta iyo waxgaradka Soomaalida ayaa ugu baaqay madaxda DKMG inay xal ka gaaraan khilaafka dhexdooda ka jira.

Dr. C/casiis Sheekh Yuusuf oo wasiirka caafimaadka ka soo noqday dowladdii Prof. Geeddi ayaa nasiib darro ku tilmaamay khilaafka had iyo jeer soo noq-noqda ee madaxda sare ee DKMG soo wajaha, wuxuuna sheegay inay ka timaado mar walba iyadoo aan loo hoggaansamin sharciga iyo dastuurka.

C/casiis, wuxuu sheegay in haddii dhinacyadu ay fahmi lahaayeen mid kasta waajibaadkiisa aysan iman lahayn is-qab-qabsigan iyo murannada dhexmara madaxda sare ee dowladda.

Dhinaca kale, qaar ka tirsan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Muqdisho ayaa iyaguna ka hadlay khilaafka Shariif iyo Sharmaarke. siyaasiyiintan waxay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ku eedeeyeen kuwa ka baayacmushtaraya khilaafka madaxda, isla markaana ka baaqsaday inay si dhab ah ugu kala dab-qaadaan xalna uga gaaraan khilaafka, balse taa baddalkeeda doorbiday lacago laaluush ah oo ay ka kala qaataan labada dhinac.

Qeybta hoose ee qoraalka ka dhagayso wareysiga Dr. C/casiis Sheekh Yusuf IYO warbixin ka hadlaysa fikraddaha siyaasiyiinta & waxgaradka Muqdisho.


XS
SM
MD
LG