Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxii FIFA Sepp Blatter oo Is-casilaya


Sepp Blatter oo soo hoggaaminayey ururka FIFA ee Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ayaa sheegay inuu is-casilayo.

Hadalkan ayuu kaga dhowaaqay shir jaraa'id oo qaatay muddo kooban oo Mr Blatter uu ku qabtay magaalada Zurich ee dalka Switzerland.

Is-casilaadda ayaa ka dambaysay kadib markii dhowaan la qabqabtay toddoba xubnood oo ka tirsan xiriirka FIFA oo lala xiriiriyey musuqmaasuq.

Eedaha musuqmaasuqa ayaa daba socday dacwad ay hay'adda dambi-baarista FBI-du kusoo oogtay xubno ka tirsan FIFA oo la sheegay inay qaateen musuqmaasuq.

Mr Blatter waxa uu ku dhoawaaqay inuu xilka sii hayn doono ilaa inta FIFA ay soo dooranayso qof isaga beddela.

Shirweynaha FIFA ayaa la qaban doonaa sannadka dambe hase yeeshee waxaa la saadaalinayaa in doorashadu kasoo hormarto xilligaas.

XS
SM
MD
LG