Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FIFA oo ku Dhowaaqday Dalalka Martigelinaya Koobka 2018 iyo 2022.


FIFA oo ku Dhowaaqday Dalalka Martigelinaya Koobka 2018 iyo 2022.
FIFA oo ku Dhowaaqday Dalalka Martigelinaya Koobka 2018 iyo 2022.

Dalalka Martigelinaya Koobka sanadaha 2018-ka iyo 2022-ka waxaa lagaga dhowaaqay magaalada Zurich ee dalka Switzerland.

Guddiga Xiriirka Caalamiga ee Kubadda Cagta ee FIFA ayaa magaalada Zurich ee dalka Switzerland kaga dhowaaqay dalka Martigelin doona koobka kubadda cagta adduunka ee sanadka 2018-ka iyo kan 2022-ka.

Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Kubadda Cagta ee FIFA Seb Plata ayaa ku dhowaaqay in dalka Ruushka uu martigelin doono ciyaaraha dhici doona sanadka 2018-ka, halka sanadka 2022-kana uu martigelin doono koobka dalka Qadar.

Wakiilada labada dal ee Ruushka iyo Qadar ayaa soo dhoweeyay in dalalkoodu ay ku guuleystaan martigelinta koobka.

Russia ayaa kula tartantay sanadkaasi dalalka Britain, Holland, Portuqal, Spain iyo Bilgium. Halka Qadar-na ay kaalintaas kula tartantay dalalka Maraykanka, Australia, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Russia iyo Qatar waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ee ay martigeliyaan Koobka Adduunka.

Sanadkan waxaa Koobka martigeliyay dalka dalka Koonfur Afrika, halka sanadka 2014-ka uu martigelin doono dalka Brazil.

XS
SM
MD
LG