Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FIFA oo $1milyan ugu Deeqday Soomaaliya


FIFA oo $1milyan ugu Deeqday Soomaaliya
FIFA oo $1milyan ugu Deeqday Soomaaliya

Xiriirka kubadda Cagta ee Caalamka ee FIFA ayaa $1milyan oo doollar ugu deeqay Soomaaliya, si wax loogu qabto xaaladaha Abaarta.

Xiriirka Kubada Cagta ee FIFA ayaa lacag dhan hal milyan oo doollar ugu deeqay Soomaaliya, si wax loogu qabto dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Siciid Maxamed Nuur (Mugabe) ayaa VOA u sheegay in lacagtaasi ay FIFA ugu talagashay in lagu caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Wuxuu sheegay in arrintaasi ay iyaga u sharaxeen, lacagtaasina loo soo marsiinayo hay'adda ICRC.

Dhanka kale, Siciid Mugabe wuxuu sheegay in ay dib u bilaabi doonaan dib u dhiska garoomada kubada cagta ee ku yaalla deegaanada ay dowladdu dhowaan la wareegtay ee magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG