Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faroole: Waa la sii deynayaa Suxufiga Xiran


Faroole: Waa la sii deynayaa Suxufiga Xiran
Faroole: Waa la sii deynayaa Suxufiga Xiran

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay inuu aqbalay codsiga Suxufiyiinta ee ahaa inuu cafis u fidiyo Agaasimaha HorseedMedia ee xiran

Madaxweynaha mamaul-goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa kulan ay isugu yimaadeen madaxda Puntland iyo saxafiyiintu wuxuu ka sheegay inuu aqbalay codsiga uga yimid suxufiiyiinta ee ay ku dalbanayeen in lagu sii daayo agaasimaha idaacadda Horseedmedia oo in muddo ah u xiran maamulkaasi. Madaxweynuhu kulankaasi kama uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee la sii deynayo, balse wuxuu xusay in la sii deyn doono oo uu xoriyadiisa dib u heli doono.

Kulankan oo ka dhacay hay'adda PDRC ayaa waxaa la isugu soo dhaweynayay madaxda maamulka iyo warbaahinta ka howlgasha deegaamada Puntland.

Warbixinta kulankaasi qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG