Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faroole iyo Heshiiskii Kampala


Faroole iyo Heshiiskii Kampala
Faroole iyo Heshiiskii Kampala

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Faroole ayaa ka gaabsaday inuu taageero amma uu diido heshiiskii Kampala.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Faroole ayaa ka gaabsaday inuu taageero amma diido heshiiskii Kampala ay ku saxiixdeen madaxda DKMG.

Shir jaraa'id oo uu madaxweynaha Puntland ku qabtay magaalada Garowe maanta oo jimce ah, ka dib markii uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalal ku yaalla Bariga Africa.

Faroole wuxuu sheegay in ay taageersan yihiin la qabto shir watashi ah oo loo ballamay in loo qaban doono Soomaalida, si ay isugu afgartaan sidii loo heli lahaa hoggaan cusub.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeybgalay shirkii Kampala, hase yeeshee goob joog ma uusan ahayn xilligii lagu dhowaaqayay heshiiskii ka koobnaa 10-ka qodob ee dowladda muddada loogu kordhiyay sanad.

Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay inuusan aqbali doonin in wakhtiga dowladda KMG ah la kordhiyo.

XS
SM
MD
LG