Baarlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyay ra'iisul-wasaaraha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo.
Ansixintaasi kaddib, ra'iisul-wasaare Farmaajo oo wareysi khaas ah siiyay VOA ayaa wuxuu sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad kooban oo tayo leh oo ladagaallanta musuqmaasuqa kana shaqeysa sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Somalia, wuxuuna sheegay inaan loo baahnayn in Soomaalidu ay ku ordaan jagooyin balse taa xooggeeda la saaro sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa.
Farmaajo, wuxuu sheegay in khilaafkii ka dhashay hannaanka codbixintiisa ay ahayd mid ku saabsan hannaanka dimoqraadiyada, wuxuuna sheegay inuusan dhibaato u arkin, haatana ansixintiisa uu rajaynayo inay soo dhamaystiri doonto khilaafkaasi. Ra'iisul-wasaare Farmaajo, wuxuu sheegay inuu la hadli doono sidii is-afgard uu ula gaari lahaa xildhibaannada maanta diiday inay isaga ansixiyaan.
Farmaajo, wuxuu sheegay inuu wadahadallo la gali doono kooxaha mucaaradka, balse wuxuu shuruud ku xiray inay rabshadaha joojiyaan dowladdana aqoonsadaan.