Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo: Beesha Caalamku ha taageerto DKMG


Farmaajo: Beesha Caalamku ha taageerto DKMG
Farmaajo: Beesha Caalamku ha taageerto DKMG

R/W Farmaajo ayaa beesha caalamka ka codsaday inay DKMG ka taageeraan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab iyo soo celinta amniga Somalia.

Ra,iisul wasaaraha Somaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka Codsaneyso beesha Caalamka inay ka kalameyso sidii looga hortegi lahaan kooxda al Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Farmaajo wuxuu sheegay in haddii aan nabadgelyada la sugin, inaysan xukuumadiisu shaqeyn karin, isagoo xusay in talaabada koowaad ee xukuumadiisu ay tahay in ciidammada dowladda ay xaqiijiyaan inaysan kooxda Al-shabaab qabsan deegaanno cusub oo dalka ka tirsan.

Ra,iisul wasaare Farmaajo wuxuu ugu dambeyntii amaan u jeediyay ciidammada AMISOM, isagoo sheegay inay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya dagaallada ay kula jiraan Shabaab, si ay qayb uga qaataan soo-celinta nabadda Soomaaliya.
XS
SM
MD
LG