Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda:Khilaafka Madaxda iyo Doodda Baarlamaanka


Faaqidaadda:Khilaafka Madaxda iyo Doodda Baarlamaanka
Faaqidaadda:Khilaafka Madaxda iyo Doodda Baarlamaanka

Faaqidaadda Toddobaadku wuxuu ku saabsan yahay khilaafka wali ka dhextaagan madaxda DKMG iyo doodda uu khilaafkaasi ku reebay baarlamaanka.

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadku wuxuu ka hadlayaa khilaafka wali ka dhextaagan madaxweyne Shariif iyo Raisal-wasaare Sharmarke. Khilaafkaasi ayaa saameyn ku yeeshay baarlamaanka Somalia.

Kullan ay yeesheen baarlamaanka Somalia ayaa waxaa lagu coddeeyey in xukuumadda Sharma'arke ay hortagto baarlamaanka si kalsoonida loogu qaado, balse waxaa arrintaasi qaadacay raisal-wasaare Sharma'arke oo ku tilmaamay kullankaasi inuu ahaa mid sharci darro ah.

Haddaba barnaamijka waxaan ku eegaynaa aragtiyada kala duwan ee xildhibaannada iyo wasiiradda dowladdu ay ka bixinayaan khilaafka ba'an ee ka dhextaagan madaxweyne Shariif iyo railsal-wasaare Sharmarke. Barnaamijka waxaa ka qeybgalaya oo arrimahaasi ka dooddaya; Garyaqaan Maxamed Nuur Sheegow oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka KMG oo taageersan madaxweyne Shariif iyo Maxamuud Axmed Maxamuud "Kula-lihi" oo isna ah mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia, kuna fikir ah raisal-wasaare Sharmaarke.

XS
SM
MD
LG