Ra'iisul-wasaaraha DKMG Max'ed C/laahi Farmaajo ayaa jimcihii ku dhawaaqay golaha wasiiradda ee xukuumadiisa cusub kuwaasoo ka kooban 18 wasiir. Haddaba xukuumaddani sidee ayay u hana-qaadi kartaa, maxayse ka baddali kartaa xaaladda Somalia? Su'aalahaasi iyo su'aallo kaleba waxaan ku eegaynaa barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka.
Barnaamijka waxa ka doodaya Prof. Afyare Cilmi oo maadada Siyaasadda Caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Qatar, Cabdi Saciid Muuse oo ah cilmi-baare madax banaan oo ku sugan Nairobi, iyo Dr. Cabdiraxmaan (Baadiyow) oo ku takhasusay taariikhda Islaamka oo ku sugan Canada.