Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda Todobaadka & Dastuurka Djibouti


Madaxweyne Geelle
Madaxweyne Geelle

Djibouti waxaa ka socda diyaar-garow loogu jiro in wax laga badallo dastuurka si mar sadexaad madaxweyne Geelle uu uga qeybgallo doorashooyinka.

Doorashooyinka madaxweynenimada ee Djibouti ayaa waxay dhici doonaa horaanta sanadka soo socda ee 2011-ka. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bishii April 1999-kii loo dooortay madaxweynaha Djibouti, iyadoo isla bishii April 2005-tii mar labaad la doortay. Dastuurka Djibouti ayaa haatan qoraya in madaxweyne Geelle uu laba jeer oo kaliya qaban karo jagada madaxweynenimo, waxaana Djibouti ka socdo qorshayaal lagu doonayo in dastuurka wax looga badallo si uu mar sadexaad Ismaaciil Cumar Geelle u isku soo taago jagada madaxweynenimo. Axsaabta iyo mucaaradka qaarkood ayaa iyaguna arrintaasi ka soo horjeeda

Faaqidaadda Todobaadkan ayaan hadaba ku eegaynaa dooddaha kala duwan ee ku saabsan isbedel lagu sameeyo dastuurka Djibouti. Barnaamijka waxaa ka qeybgalaya:

Cabdi Ibraahim Maxamed "Gabriye" oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka ee xisbiga RPP

Aadan Rooble Cawaale, oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee PND

Daahir Axmed Faarax "DAF" oo madax ka ah xisbiga MRD

iyo Garyaqaan Idiris Casaawe.

Barnaamijka oo dhamaystiran qeybta hoose ee qoraalka ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG