Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, wuxuu ku saabsan yahay doorka saxaafadda Soomaaliyeed ay ku leedahay bulshada.
Waxaa ka qeyb galaya khubaro iyo suxufiyiin ruug-caddaa ah oo kala ah:
Cabdiqaadir Maxamuud Walaayo, Afhayeenka iyo lataliyaha arrimaha warbaahinta ee dowladda Somalia.
Maxamed Abshir Waldo, lataliye sare ee dhinaca horumarinta iyo maamul-wanaaga isagoo ahaa saxafi ka tirsanaa BBC Somali.
Faysal Cali Sheekh, Gudoomiyaha Wargeyska Jamhuuriya.
Ibraahim Maxamed Aadan, Weriye ka tirsan Idaacadda Horn-Afric
Dhamaantood waxay si xeel-dheer uga warramayaan doorka suxufiga Soomaaliyeed, iyo sida lagu badbaadin karo saxaafadda iyo waliba suxufiga.
Su'aalaha barnaamijka lagu lafa-gurayo waxaa kamid ah: door caynkee ah ayay saxaafaddu ka ciyaari kartaa nabadda iyo hannaanka dibu-heshiisiinta Soomaalida?
Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka.